|
Jabuuti,(insidesomalia0.org)- Waxaa markii ugu horeysay si heer Madaxweyne ah loogu soo dhaweeyay Dalka Jibouti Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.
Madaxweyne Yuusuf oo ka soo duulay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa shalay Garoonka Diyaaradaha Jibouti uga hortegay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo markii uu Diyaaradda ka soo degayna loo fidiyay gogosha gaduudan ee Madaxda sare ee Dowladaha loo dhigo.
Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Jibouti waxaa ay waqti kooban wada hadallo ku qaateen qeybta soo dhaweynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo kadibna loo gudbiyay Hotelka Kempinski ee Magaalada Djibouti.
Madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf ayaa mar uu dhawaan booqday Dalka Jibouti waxaa soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha Jibouti Dileyte Maxamed Dileyte, iyadoo waqtigaasna uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dibadda uga maqnaa Dalka Jibouti.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya oo 48 saacadood booqasho ku joogi doona Dalka Jibouti ayaa la filayaa in ay kulamo kale wada qaataan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo sidoo kaelna ay Magaalada Djibouti isku arkayaan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi.
|